Liverpool Oo Qaaday Talaabo Cadayn U Ah In Ay Ku Dhawdahay Saxiixa Thiago Alcantara

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ka go’antahay in ay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara keento Anfield marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa muhiim ka ahaa kooxda Bayern Munich xilli ciyaareedkan isaga oo saftay 36 kulan tartamada oo dhan laakiin heshuuska kula joogo kooxda Ku ciayarta Allianz Arena ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Reds wadahadalo horumar leh kula jirto Bayern Muich saxiixa xiddiga.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in kooxda ku guulaystay horyaalka premier League ay xiddiga reer Spain haatanba u diyaarisay booskiisa qolka Labiska si ay ugu soo dhawayso kooxda Klopp.

Thiago ayaa 231 kulan u saftay kooxda Bayern Munich tan ilaa markii uu kaga soo biiray Barcelona sanadkii 2013 Isgaa oo kula guuleystay 7 koob oo Bundesliga ah intii uu kooxda joogay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*