Liverpool Oo Markii 4-aad Ku Guuleystay UEFA Super Cup , Chelsea Ayay Rigoorayaal Uga Qaadeen

Chelsea ayaa nasiinada ugu dirtay Liverpool hal gool oo nadiif ah waxa ayna labada koox ciyaarayeen koobka UEFA Super Cup kaasi oo ka dhacayay dalka Turkiga xilli kulankaan ay garsoore iyo calan wadayaal ay ahaayeen dumar , waana markii ugu horeeyay oo laba koox Ingiriis ah isku arkaan koobkaan.

Ciyaarta ayay labada dhinac ku bilaabeen qaab deg degsiimo leh balse Chelsea ayaa mar waliba u dhaweyd dhanka goosha waxa ayna Chelsea kulankaan soo bandhigeen hanaan ciyaareed aad u wacan .

Guud ahaan Liverpool ayaad ayaa looga sareeyay kulankaan dhan waliba waxa ayna Cghelsea soo bandhigeen ciyaar isku xeran waxa ayna Liverpool u diideen daldaloolo ay goolal ku helaan .

Daafac wada jir ah , maamulka qadka dhexe iyo garbaha oo ay si weyn uga socdeen ayay Chelsea waxa ay keeneen gool cajiib ah waxaana dhaliyay Olivier Giroud daqiiqadii 36-aad waxaana goolkaas ka muuqday qalad dhanka daafaca ah .


Chelsea dhowr gool ayay ku sigteen waxaana jirtay fursad cajiib aheyd balse birta ayaa u diiday waxaana sidaas sameeyay Pedro oo kulankaan aad u wanaagsanaa waxa ayna aheyd daqiiqaddii 21-aad waxa ayna Cheslea ku wacnaayeen cadaadiska iyo kubad deg degsiimada leh .

Advertisements

Sidaas oo ay tahay Liverpool daafac ahaan waa isku xernaayeen balse waxaa ka maqnaa isku xernaanta weerarka oo kubadooda si sax ah uma aysan tageyn aagga Chelsea waxaana taasi sii dheer in durba laga soo celinayay waxaana Cheslea daqiiqadii 39-aad laga diiday gool sababo la xariira Offside ahaan balse guud ahaan Liverpool qeybta dambe is badal waa laga filan karay.

Soo laabashadii , Liverpool wax aay horay u soo giliyeen Firminho iyaga oo saaray Oxlade-Chamberlain , waxa ayna Liverpool keeneen goolka bar bar dhaca waxaana saxiixay Saido Mane ka dib baas uu ka helay Firminho .

Ka dib dhacadaas labada koox waa isa sigayeen waxa ayna ciyaarta aheyd mid dar dar leh lagana filan karay goolal dheeraad ah waxaana daqiiqaddii 52 gool laga bad baadiyay Henderson waxaana sidaas sameeyay goolhayaha Chelsea .

Liverpool is badal weyn ayay sameeyeen waa ayna cadaadinayeen Chelsea waa ayna tagayeen goosha Chelsea iyaga ayaan ahaa biloowgii kuwo laga fil;an karo goosha labaad
Chelsea dib ayy u soo nooleyeen ciyaarta waxa ayan isku dayayeen gool labaad waxaan baxsad ahaa Pedro xilli Liverpool daqiiqadii 63-aad ay soo giliyeen Georginio Wijnaldum iyaga oo badalay Milner

Qeybihii dhamaadka gaar ahaan daqiiqadii 74-aad Liverpool sedex fursad xaqiiq ahaa hal mar loo diiday , Salah ayaa laga bad badiyay oo goolhayaha Cheslea ayaa kubadda tufay waa lagu soo celiyay si cajiib ah ayuuna u bad baaidyay waxaana kubadaas lahaa Van Dijk halka markii sedexaad ay ku dhacday birta , waxa ayna Chelsea badal ku soo giliyeen Mason Mount oo loo badalay Christian Pulisic halka Olivier Giroud laguna badalay Tammy Abraham .

Chelsea dhamaadkii dhowr fursad ayaa laga bad baadiyay halka daqiiqadii 82-aad laga diiday gool sababa la xariira Offisde , waxaana xusid mudan in labada dhinac daqiqiadihii geerida ay iska qasaariyeen fursado xaqiiq ahaa waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay min hal gool waxaana lagu daray waqti dheer ah

Daqiiqadihii ugu horeeyay ee waqtiga dheeriga Liverpool ayaa ku sareysay in yar maamulka kubadda waxa ayna heleen gool labaad uu saxiixay Mane daqiqiadii 95-aad ka dib baas uu ka helay Firminho , waxaana Chelsea si cajiib ah looga bad baadiyay goolka bar bar dhaca daqiiqaddii 97-aad

Chelsea waxa ay weerarkooda ku heleen rigoore waxaana qaladkaas lagu galay Tammy Abraham waxaana u sabab ahaa goolhayaha Liverpool xilli rigooradaas uu laaday waliba shabaqa ku hubsaday Jorginho daqiiqaddii 101-aad

Ka dib dhacdaas waxa ay labaad koox soo kala giliyeen Ross Barkley oo loo badalay Mateo Kovacic halka Liverpool-na soo giliyeen Divock Origi oo loo badalay Saido Mane ,waxa ayna qeybta hore ee waqtiga dheeriga ku dhameysteen min laba gool

Qeybta labaad ee waqtiga dheeriga, Chelsea waa ay u dhawaaneysay gool balse goolhayaha ayaa u diidanaa waxa ayna guud ahaan ciyaarta ku dhamaatay min laab gool waxaana la aaday rigoore tuurasho.

Waxaa labadii laad ee u horeeyay u kala laaday labaad koox Firmonho iyo Jorginho waa ayna dhaliyeen halka labadii laad ee xigay ayna kala dhaliyeen Fabinho iyo Ross Barkley, waxaan ugu dmabeyn ku guuleystay Liveprool

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*