Liverpool Oo Maanta Ciyaari Doonta Kulankeedii 2-aad Ee Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxda Liverpool ayaa maanta ciyaari doonta kulankeedii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyada oo Reds sii wadan doonta u diyaar garawga xilli ciyaareedka cusub.

Reds ayaa la ciyaari doonta kooxda Mainz oo ah kooxdii ugu horaysay ee uu Jurgen Klopp tababare u noqdo kulan ka dhici doona garoonka Entersberg-Arena.

Liverpool oo min 30 daqiiqo ciyaartay todobaadkii hore ayaa si buuxda u ciyaari doonta kulankan xilli uu Klopp xiddigaha kooxdiisa u diyaarinayo bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ayaa soo gali doona 7:15 daqiiqo wakhtiga kulan uu Klopp safi doono xiddigaha uu tababarka siinayay todobaadyadii la soo dhaafay.

Sidii caadad ahayd Shabakada Kooxda ayaa idiin soo gudbin doonta natiijada isla daqiiqada ay dhamaato ciyaartu sidaas darteed la socod wanaagsan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*