Liverpool Oo Loolan Adag Kala Kulmeysa Murqo Weynta Yurub , Xiddig Valencia U Jooga Ayaa Lagu Ciriirinayaa

Liverpool ayaa si weyn u hamineysa in ay xagaaga helaan saxiixa xiddiga Valencia ee Ferran Torres balse waxa ay loollan kala kulmayaan dhowr koox kale .

Wargeyska Mirror ayaa sheegaya in da`yarkaas 20 sano jirka ee ka ciyaara garabka middig uu xiiso ka haysto kooxaha Barcelona ,  Real ,Juventus iyo Man City

War maalin ka hor soo baxay ayaa sheegaya in Juventus ay toos ula xariireen wakiilka laacibka iyaga oo kala hadlay suura galnimada ah in Ferran Torres ay helaan .
Ferran Torres waa xiddig weerar ah waliba boosas kala duwan loo adeegsan karo sida labada garab iyo weerarka afka hore

Qandaraaska wiilkaan reer Spain ee Valencia ayaa dhacaya xagaaga 2021-ka waxaana jira qodob xusayaa in hishiika lagu sii dayn karo uu gaarayo 90 milyan oo euro

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*