Liverpool Oo Looga Digay Saxiixa David Alaba, Sabab.

Goolhayihii hore ee kooxda Liverpool David James ayaa tababaraha Reds ee Jurgen Klopp u sheegay in uu u dhaqaaqo xiddig mustaqbal leh halkii uu u dhaqaaqi lahaa daafaca kooxda Bayern Muncih ee David Alaba.

Iyada oo Virgil Van Dijk muddo dheer ka maqnaan doono sidoo kale Fabinho haatan dhaawacan yahay Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa daafaca Alaba iyaga oo xiyaa la xidhiidhay wakiilka xiddiga.

Xiddiga reer Austaria ayaa ka ciyaari kara daafaca dhexe iyo waliba boosas kale oo badan James ayaana Alaba ku tilmaamay xiddig cajiib ah laakiin Liverpool u sheegay in uuna xiddiga Bayern Munich ahayn xiddig muddo dheer u ciyaari kara kooxda.

Isaga oo la hadlaya Stadium Astro ayuu David James Yidhi”Kaliya waxa aan isku dayayaa in aan ogaado Nidaamka ay ku shaqayn doonaan hadii ay la soo saxiixdaan”.

“Waa xiddig cajiib ah waana xiddig khibrad fiican leh waxana doonaya kooxo badan oo waaweyn”.

“Laakiin waa in aad eegto waxa aad samayn doonto marka aad hesho, Xiddigaha lagu xaliyo mustaqbalka dhaw waxa ay leeyihiin dhibaatooyin mustaqbalka fog ah sababta oo ah waa in aan ogaano in uu ku soo baxayo shaxda Reds iyo in kale”.

“Waxa kaliya ee ay Liverpool ku fiicantahay sanadihii ugu dambeeyay ayaa ah dadka u jooga suuqa tan ilaa markii uu Klopp qabsaday sidaas darteed hadii ayna horay uga fikirin in ay u dhaqaaqaan haatan ha iska iloobaan”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in Alaba ku jiro bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Bayern Munich kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*