Liverpool Oo Looga Digay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Mohamed Salah, Sabab.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Danny Mills ayaa Liverpool uga digay in ay baanka jabiyaan xiddiga Mohamed Sala miiskana u saaraan mushahar aad u badan inkasta oo uu xiddig muhiim ka yahay kooxda.

Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayaa dhici doona 2 sano kadib waxana ay Liverpool doonaysaa in ay sii haysato xiddiga reer Masar heshiis cusubna ka saxiixato.

Laakiin Mohamed Salah ayaa ilaa haatan diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda isaga oo dalbanaya lacag dhan 380 kun oo Gini todobaadkii si uu heshiis cusub u saxiixo.

Si kasta ha ahaatee Danny Mills ayaa Liverpool uga digay in ay heshiis cusub oo mushahar sare ah ka saxiixato xiddiga inkasta oo uu muhiim ka yahay kooxda Liverpool.

isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma awoodid inaad jebiso bangiga iyo qaab dhismeedka mushaharka si aad kooxda ugu sii hayso hal xiddig”.

“Hadii ay taasi dhacdo xiddig kasta oo kooxda ah waxa uu dalban doonaan mushahar la mid ah mushaharka Salah”.

“Xiddigaha Virgil Van Dijk, Sadio Mane, Jordan Henderson iyo dhamaan xiddigaha muhiimka ah waxa ay dalban doonaan in kor loogu qaado mushaharka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*