Liverpool Oo Loo Soo Bandhigay Saxiix Xiddig Ay U Baahantahay.

Kooxda Liverpool ayaa loo soo bandhigay daafacii hore ee kooxda Valencia ee Ezequiel Garay sida ay sheegayaan wararku.

Wakiilka xiddiga Ezequiel Garay Ayaa lagu soo waramaaya in uu la xidhiidhay Liverpool si uu saxiixa xiddiga ugu soo bandhigo Reds.

Xiddiga reer Argentine oo bilaa koox ah tan ilaa markii uu isaga tagay kooxda Valencia ayaa raadinaya koox cusub oo uu ku biiro.

Dhanka kale Reds ayaa wajahaysa xaalad dhaawac oo dhanka daafaca ah iyaga oo dhaawac ku waayay xiddigaha Joe Gomez iyo Virgil Van Dijk kuwaas oo muddo dheer maqnaan doona.

Wakiilka xiddiga ayaa la sheegayaa in uu Ezequiel Garay u soo bandhigay kooxda Liverpool si ay ugu buuxiyaan booska daafacyada ka dhaawacmay.

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*