Liverpool Oo Loo Sheegay Xiddiga Ay Tahay In Ay U Dhaqaaqaan Badalka Virgil Van Dijk

Daafacii hore ee kooxda Liverpool ee Mark Lawrenson ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay u dhaqaaqaan saxiixa daafaca diyaarka u ah in uu badalo Virgil Van Dijk ee Conor Coady.

Van Dijk ayaa la filayaa inuu seego gebi ahaanba xilli ciyaareedkan kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaaday kulankii Everton ee 17 bishan.

Xiddigaha Ben White, Dayot Upamecano Iyo Ozan Kabak ayaa bartilmaameed u ah kooxda Liverpool kuwaas oo lala xidhiidhinayo kooxda Liverpool.

Laakiin Lawrenson ayaa sheegay in xirfada abaabul ee Coady iyo khibradiisa premier League in ay ka dhigayso saxiixa ugu fiican ee Liverpool.

“Hadii ay Liverpool lacag badan ka bixinayaan daafac bisha January waxa ay u baahanyihiin xiddig diyaar ah waana Conor Coady kaas oo ah abaabule fiican sidoo kale leh khibrad premier League”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*