Liverpool Oo Loo Sheegay Labada Xiddig Ee Buuxin kara Booska Mohamed Salah

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Danny Murphy ayaa magacaabay kooxdiisii horena u sheegay kaliya laba xiddig oo buuxin kara booska Mohamed Salah hadii uu ka tago kooxda Liverpool.

Danny Murphy ayaa sheegay in kaliya xiddigaha Kylian Mbappe ama Jadon Sancho ay yihiin labada xiddig ee awooda u leh in ay buuxiyaan booska Mohamed Salah ee Liverpool hadii uu ka tago Anfeild.

Mohamed Salah ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Liverpool kadib markii uu xiddigu Albaabka u furay kooxaha Real Madrid ama Barcelona mustaqbalka dhaw.

“Waa in aad keento xiddig weyn, waa in aad keento cid tayo leh”ayuu Murphy u sheegay Stadium Astro.

“Wakhti xaadirkan uma malaynayo in ay jiraan xiddigo badna oo tayo leh oo ka sareeya Mohamed Salah hadii ay noqoto gool dhalinta ama guulasha kulamada”.

“Haa, hadii ay Liverpool u baahantahay badalka Salah kaliya xiddigaha Sancho ama Mbappe ayaa ah xiddigaha kaliya ee buuxin kara booska Salah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*