Liverpool Oo Loo Sheegay In Ayna U Baahnayn Virgil Van Dijk & Sababta Oo La Sharaxay.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa sheegay in ayna Liverpool U Baahnayn Badalka Virgil Van Dijk sababta oo ah hadii ay u sii ciyaaraan si fiican xitaa uma baahan doonaan xiddiga reer Holland.

Van Dijk ayuu dhaawac halis ah ka soo gaadhay kulankii Everton ee bishii Hore taas oo keentay in uu seego dhamaan xilli ciyaareedkan.

Daafaca reer Holland ayaa maray qaliin jilibka ah waxana la aaminsanyahay in uuna mar kale u ciyaari doonin kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, Liverpool ayaa sidoo kale dhaawacyo ku weyday daafacyadeeda Fabinho, Trent Alexander-Arnold iyo Joe Gomez taas oo cadaadis saaraysa Jurgen Klopp si uu suuqa ugu galo suuqa January.

Laakiin Barnes ayaan ku qanacsanayn in ay Liverpool u baahantahay in ay suuqa u gasho Badalka Virgil Van Dijk.

Waxa uu sheegay in hadii ay kooxdu sii wado in ay si fiican u ciyaarto la’aanta Van Dijk waxa ay muujin karaan in ayna xitaa u baahnayn Van Dijk laftiisa.

“Hagaag, ugu horayn Van Dijk waa xiddig weyn dabacn waan u xiisi doonaa”ayuu Barnes u sheegay Play ojo.

“Hadii aan diirada saarno dhaawaca Van dijk waxa ay Ixtiraam daro ku tahay kooxda intooda kale waxana ay xitaa saamayn doontaa qaab ciyaareedka kooxda”.

“Hadii ay Liverpool haatan ilaa January si fiican u ciyaarto wax goolal ahna aan laga dhalin, miyay u baahanyihiin daafac cusub? ma gali karno suuqa January sababta oo ah hadii ay kooxdu si fiican u ciyaarto xitaa uma baahnaan doonto kooxdu Van Dijk”.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Oo Fariin U Diray Madaxweynaha & Madaxweye Ku Xigeenka Loo Doortay Hirshabelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*