Liverpool Oo Loo Sheegay In Ay Iska Iibiso Mohamed Salah, Sabab.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Didi Hamann ayaa sheegay in iibinta Mohamed Salah ay keeni karto fursad ay Liverpool xiddig kale ku keeni karto.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa ku booriyay kooxdiisii ​​hore inay iska iibiso xiddiga hadii ay cadaato in uu xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda.

“Haddii uu go’aansaday inuu tago, markaas waxay u baahan yihiin inay hubiyaan inay u helaan lacag aad u wanaagsan oo ay ku bixiyaan keenista ciyaaryahan kale oo tayo leh,” 48 jirkaan ayaa u sheegay Tribal Football.

“Inkasta oo uu Salah fiicanyahay hadana waxa ay kooxdu heli kartaa fursad ay ku keento xiddig kale hadii uu boxo”.

“Waxaan rajeynayaa inuu sii joogi doono, laakiin haddii qiimaha uu sax yahay oo uu doonayo inuu baxo markaas kooxda waa inay ka dhabeysaa.”

Kooxda Liverpool ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo heshis kordhin ah kula jirto xiddigii hore ee kooxda Roma inkasta oo aanay wax heshiis ah la gaadhin xiddiga.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*