Liverpool Oo Loo Sheegay In Ay Haatanba Haysato Badalka Sadio Mane Hadii Uu Ka Tago Kooxda

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Stephen Warnock ayaa Liverpool u sheegay in ay haatanba haystaan badalka tooska ah ee Sadio Mane hadii ay xiddiga u waayaan Barcelona.

Xiddiga reer Senegal ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 4 gool iyo 2 caawin 7 kulan.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona sanadihii ugu dambeeyay kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Warnock oo Liverpool u ciyaaray 5 xilli ciyaareed ayaa rumaysan in ay Liverpool haysato badalka Mane hadii uu ka tago kooxda

“Sadio Mane waa 28 jir haatan sidaas darteed marka uu 32 gaadho ma jirto koox dalab waali ah ka soo gudbinaysa”.

“Uma malaynayo in Ay dhacayso sababta oo ah Mane wuu jecelyahay Liverpool”.

“Laakiin hadii ay dhacdo in uu ka tago kooxda, Liverpool haatanba way haysataa badalkiisa waana Diogo Jota”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*