Liverpool Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Sergej Milinkovic-Savic

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay bixin doonto 80 milyan oo euro haddii ay doonayaan inay la soo wareegaan xiddiga khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic xagaagan.

Jurgen Klopp ayaa suuqa ugu jira khad dhexe oo cusub kadib markii uu Georginio Wijnaldum doortay in uu si xor ah ugu biiro Paris Saint-Germain.

Magaca Milinkovic-Savic ayaa lagu sheegay inuu yahay bedel macquul ah iyadoo 26 jirkaan si joogta ah wacdaro uga dhigaya Serie A.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Calciomercato Lazio ayaa dalban doonta lacag dhan 80 milyan oo euro hadii ay Liverpool doonayso saxiixa xiddiga reer Serbia xagaagan.

Kadib markii ay haatanba la soo saxiixatay Ibrahima Konate, Liverpool ayaa u baahan in ay iska iibiso xiddigaha aan joogtada u ciyaarin si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Milinkovic-Savic.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*