
Liverpool ayaa looga digay inay u baahan tahay dhiirigelin iyo tamar dheeri ah ka dib guuldaradii Community Shield.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa lagu garaacay koobka Community Shield iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Crystal Palace.
Kooxda Arne Slot ayaa laba jeer hogaanka u qabatay ciyaarta iyada oo ay goolasha u dhaliyeen saxiixyada cusub ee Hugo Ekitike iyo Jeremie Frimpong.
Si kastaba ha ahaatee, way awoodi waayeen inay sii haystaan natiijada iyada oo Palace soo laabatay labada jeerba.
Kooxda ku guulaysatay koobka FA Cup-ka ayaa rikoodhayaal ku qaaday koobka kadib markii ciyaartu ku dhamaatay bar-baro 2/2 ah.
Tababarihii hore ee Eagles Alan Pardew ayaa dareensan in Liverpool ay weli tahay kooxda ugu cadcad horyaalka xilli ciyaareedka cusub.
Si kasta ha ahaatee waxa uu qirtay in uu jiro walaac kadib guuldaradii soo gaadhay kulankii Community Shield-ka.
“Markaad u aragto inay koox yihiin waa kooxda ugu cad-cad sida iska cad kulankii Palace ma ahayn maalintoodii”.
“Palace xaqiiqdii waxay lahayd tamar badan, waana meesha aan ka walwali lahaa haddii aan Liverpool ahaan lahaa”.
“Dhiirigelinta, tamarta ayaa ah wax aad iyo aad muhiim ugu ah iyaga 38-da kulan ee soo socda ee horyaalka”.
Be the first to comment