Liverpool Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa January.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Lille kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Renato Sanchez sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Reds ayaa lala xidhiidhinayay xiddigo khadka dhexe ah kuwaas oo doonayaan in ay ku badalaan xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo ilaa haatan diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Wargayska Tuttomercatoweb aya sheegaya in ay kooxda Liverpool dhigeeda Lille kala heshiisay saxiia Sanches kaas oo ay ka bixin doonto lacag dhan 18 milyan oo euro.

Renato Sanchez ayaa dib boodhka uga jafay xirfadiisa ciyaareed kadib markii uu ku dhibaatooday kooxaha Bayern Munich iyo Swansea.

Klopp ayaa Renato Sanches u arka mid kooxdiisa ka caawin kara in ay u tartanto koobabka sanadaha soo socda marka loo eego in uu yahay xiddiga 23 jirk ah.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*