Liverpool Oo Laga Diiday Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbisay Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Serie A-da.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in laga diiday dalab dhan 17 milyan oo euro kaas oo ay ku doonaysay daafaca Midig ee kooxda Torino ee Wilfried Singo sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa kooxda Torino u ciyaaray 21 kulan oo horyaalka Serie A-da ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay hal gool.

Qaab ciyaareedka fiican ee Wilfried Singo ayaa soo jiitay kooxda Liverpool kuwaas oo dalab Rasmi ah oo dhan 17 milyan oo euro ka gudbiyay saxiixa xiddiga si ay u helaan xagaaga.

Laakiin wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Torinn ila markiiba diiday dalabkaas ay kooxda Liverpool ka gudbisay saxiixa xiddiga ka ciyaara daafaca Midig.

Torino ayaa xiddiga Singo u aragta xiddig mustaqbal fiican ku leh kubada cagta waxana ay doonayaan in uu sii joogo kooxda xilli ay u dagaalamayaan sidii ay u sii joogi lahaayeen horyaalka Serie A-da.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*