Liverpool Oo Laga Jabiyay Rikoodh 3 Sano Socday Kulankii Burnley.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa Premier League kana dhacay garoonka Anfield

Kooxda Liverpool ayaa la kulantay guuldaro 1/0 ah oo ay kala kulantay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa todobaadkii 19-aad ee horyaalka.

Kadib guuldaradaas Kooxda Liverpool ayaa laga jabiyay rikoodh taariikhi ah oo ay ku lahayd horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay garoonka Anfield markii ugu horaysay tan ilaa Sanadkii 2017 gaar ahaan 3 sano iyo 273 maalin.

Kooxda Liverpool ayaan guuldaro kaal kulmin Anfield tan ilaa guuldaradii ay kala kulmeen Crystal Palace bishii April ee sanadkii 2017 markaas oo ay la kulmeen guuldaro 2/1 ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*