Liverpool Oo Ku Kalsoon Saxiixa Xiddiga Jude Bellingham

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay aad ugu sii kalsoonanayso in ay la soo saxiixan doonto xiddiga khadka dhexe ee Borussia Dortmund Jude Bellingham mara la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa noqday xiddig muhiim ka ah Borussia Dortmund tan ilaa markii uu ku biiray kooxda reer Germany isaga oo dhaliyay 8 gool 13 kalena caawiye ka noqday.

Bellingham ayaa sidoo kale qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 4 gool 9 kalena caawiyay 25 kulan oo uu ciyaaray.

Xiddiga reer England ayaa Dortmund kula jira heshiis ilaa xagaaga 2025 ah waxana la sheegayaa in ayna Dortmund wax niyad ah u hayn in ay iska iibis.

Si kasta ha ahaateee sida laga soo xigtay CaughtOffside, Liverpool ayaa si weyn ugu kalsoon in ay la soo saxiixan doonto xiddiga xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*