
Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay ku guuleysato tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Crystal Palace ee Marc Guehi, iyadoo heshiis ‘la filayo inuu dhaco’ xagaagan.
Newcastle United ayaa isku dayday kuna guuldareysatay inay la soo wareegto daafaca dhexe xagaagii hore, haatana The Mirror ayaa sheegeysa in Liverpool ay ugu cadcad tahay 24 jirkaan.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in kooxaha ay sida weyn ugu xafiiltamaan saxiixa xiddigan ay u muuqdaan in uu yahay Chelsea laakiin waxaa jiri kara xiiso soo daahay oo uga imaanaya kooxaha Manchester City, Arsenal iyo Tottenham.
Guehi ayaa noqon kara badalka tooska ah ee daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk kaas oo bartamihii todobaadkan sheegay in aanu garanayn halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.
Reds ayaan qiimo jaban ku heli doonin saxiixa xiddiga reer England inkasta oo uu heshiiskiisu dhacayo 2026.
Be the first to comment