Liverpool Oo Ku Dhaw Saxiixa Thiago Alcantara & Wakhtiga Uu Tijaabada Caafimaadka U Marayo Reds Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara ayaa lagu soo waramayaa in uu qarka u saaran yahay ku biirista kooxda Liverpool sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Liverpool haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara haatana heshiiska ka hadhsantahay in ay Liverpool kala heshiiso saxiixa xiddiga.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu tartan cusub u ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga ayaa la sheegaya in uu haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool xagaaga haatana Reds isku diyaarinayso in ay dalab 35 milyan ah ka gudbiso xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga Thiago Alcantara Tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda Liverpool todobaadka dambe marka ay Reds Bayern Munich kala heshiiso saxiixa xiddiga.

Sii Akhriso: Warbixintii Ugu Dambaysay Ee Xanuunka Korona & Somaliland & Somalia, Maxaa Cusub?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*