Liverpool Oo Ku Dhaw Saxiixa Daafac Cusub Kadib Bixitaankii Dejan Lovren.

Kooxda Liverpool ayaa ku dhow inay Xiddiga Aissa Mandi kala soo saxiixato Real Betis iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo sannadka danbe.

Reds ayaa saxiixa daafac cusub ka dhigtay mudnaanta koowaad ka dib markii ay Dejan Lovren ka iibiyaan kooxda Zenit St Petersburg.

Xiddiga reer Croatia ayaa isaga tagay Liverpool kadib 6 sano oo uu Joogay Anfield kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Jurgen Klopp.

Maamulka Liverpool ayaa Klopp haatanba u sheegay in uuna lacag badan u haysan doonin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arintaas ayaa haatanba sabab u noqotay in ay waayaan saxiixa Timo Werner halka ay haatana ku dhibaatoonayaan in ay Bayern Munich kala heshiiyaan saxiixa Thiago Alcantara.

Laakiin Reds ayaa horay si guul leh u dhamaystirtay saxiixyo jaban waxana la filayaa in ay sidaas samayso xagaagan.

Xiddiga aadka loola xidhiidhinayo ayaa ah xiddiga Real Betis ee Mandi.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa xilli ciyaareed cajiib ah soo qaatay indhaha Klopp-na qabtay.

Laakiin heshiiskiisa ayuu hal sano ka dhiman yahay waxana ay Cope sheegaysaa in ay Betis diyaar u tahay in uu isaga tago kooxda.

Sidaas darteed Liverpool ayaa kaliya 9 milyan oo euro ka bixinaysa xiddiga si ay u hesho saxiixiisa inta lagu jiro xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*