Liverpool Oo Ku Dhaw Saxiixa Daafac Ay Ku Xoojinayso Kooxda Ka Hor Kulanka Real Madrid.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo horumar leh kula jirto saxiixa daafaca Xorta ah ee Ezequiel Garay si uu kooxda ugu soo biiro inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa bilaa koox ahaa tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Valencia dhamaadka xilli ciyaareedkii hore isaga oo soo afjaray 4 sano oo uu joogay koxoda reer Spain.

Ezequiel Garay ayaan ciyaarin wax kulan ah muddo sanad ah kadib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay jilibka bilowgii sanadkii 2020 taas oo keentay in ay Valencia iska fasaxdo.

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool isha ku hayso daafaca si ay ugu xoojiso kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa gaadhay wareegyada dambe ee champions League Klopp ayaana aaminsan in ayna xiddigaha Ozan Kabak iyo Nat Philippes lahayn khibrad ay kooxda ku geeyaan final-ka tartanka.

Sidaas darteed warara ayaa sheegaya in ay Liverpool wadahadalo horumar leh kula jirto saxiixa xiddiga si ay u hesho saxiixiisa inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*