Liverpool Oo Ku Dhaw Saxiixa Alexander Isak.

Weeraryahanka Newcastle United, Alexander Isak ayaa qarka u saaran inuu si lama filaan ah ugu dhaqaaqo kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Liverpool xagaagan.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Liverpool ayaa diyaar u ah inay si weyn u soo xero galiso xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden ka dib markii iibka Luis Diaz uu gabi ahaanba dhamaaday.

Diaz ayaa ku biiraya Bayern Munich ka dib markii uu heshiis la gaaray kooxda heysata Bundesliga si uu Anfield ugu wareego Allianz Arena.

Isak ayaa dhankiisa doonaya in uu ku biiro kooxda Liverpool maadama uu kaliya doonayo kooxda difaacanaysa horyaalka premier League.

25-sano jirkaan ayaan xitaa wax wadahadal ah la lahayn kooxaha Sacuudiga xilligan inkastoo Al-Hilal lagu soo waramayo inuu u soo bandhigayo mushaar la yaab leh oo dhan 600,000 oo gini isbuucii, oo canshuur la’aan ah si uu ugu biiro xagaagan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga