
Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Liverpool ay u dhaw yihiin in ay hishiis cusub ka saxiixdaan laba ka mid ah xiddigaha kooxdaas
Football Insider ayaa sheegeysa Van Dijk iyo Georginio Wijnaldum u dhaw yihiin in qalinka iyo warqadda is dul saaraan
Waxa uu warka sheegayaa in wadahadallada wakiilada labada laacib iyo maamulka Liverpool ay marayaan meel wacan
Van Dijk waxa uu hishiiska cusub ku qaadanayaa todobaadkii 200 oo kun oo gini halka haatan uu qaato 124-kun
Georginio Wijnaldum waxaa lagu waramayaa in uu saxiixayo hishiis muddo fog ah lamana hellin mudada iyo mushaarka uu ku qaadanyo
Todobaadka dambe ayaa la filayaa in Liverpool ku dhawaaqaan hishiisyada labadaas laacib ee muhiimka ka ah shacda kooxda
Be the first to comment