Liverpool Oo Ku Dhaw In Ay Heshiis Wakhti Fog Ah Ka Saxiixato Georginio Wijnaldum

Kooxda Liverpool ayay ka go’antahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool.

Xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxaha Inter Milan iyo Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Laakiin wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool heshiis u soo bandhigtay si ay u sii haysato xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool xiddiga Georginio Wijnaldum u soo bandhigtay heshiis 3 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 4 milyan oo euro.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Qarax Ay 6 Qof Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*