Liverpool Oo Ku Biirtay Baacsiga Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Tartankiis Euro 2002.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay baacsiga loogu jiro saxixia xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sassuolo Manuel Locatelli.

Locatelli ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tartankii euro 2020 isaga oo xulkiisa Italy kula guulastay tartanka.

Qaab ciyaareedka xiddiga ayaa soo jiitay kooxo dhawr ah oo reer yurub ah kana mid yihiin kooxaha Juventus iyo Arsenal kuwas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Si kastaba ha ahaatee sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, Liverpool ayaa isku dayi doonta inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Laakiin Liverpool ayaa u baahan in ay si deg-deg ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga maadama la rumaysanyahay in ay kooxda Juventus ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*