Liverpool Oo Khasaartay Lacag 17 Milyan Ah & Philippe Coutinho Oo Sabab U Ah.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramaya in ay khasaarayso lacag dhan 17 milyan oo ay ka helaysay kooxda Barcelona kana mid ahayd lacagihii gunooyinka ahaa ee ku jiray heshiiska Philippe Coutinho kadib dhaawacii ugu dambeeyay ee xiddiga.

Xiddiga reer Brazil aaya Barcelona ugu biiray lacag dhan 140 milyan oo euro suuqii January 2018 iyada oo kooxda Barcelona miisak saartay 106 milyan oo euro oo halka hore ah.

Labada kooxood ayaa ku heshiiyay in qaybta kale ee lacagta lagu bixiyo gunooyin ku xidhan qaab ciyaareedka xiddia iyo kulamada uu u ciyaaro kooxda.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Barcelona bixin lahayd laca dhan 17 milyan oo euro hadii uu Philippe Coutinho Kooxda Barcelona u ciyaaro 100 kulan.

Laakiin xiddiga 28 jirka ah ayaa 10 kulan u jira rikoodhkaas waxana laga yaabaa in uu haatanba ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda.

Philippe Coutinho ayaa maray qaliin 2-aad kadib markii uu dhaawac kale ku so gaadhay tababarkii ka soo kabsashada dhaawacii uu maray bilowgii sanadkan.

Sidaas darteed xiddiga ayaan mar kale ciyaari doonin xilli ciyaareedkan waxana ay u badantahay in ay kooxdu iska iibin doonto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*