Liverpool Oo Kashiftay Sababtii Uu Roberto Firmino Ku Seegay Kulankii Fulham.

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Roberto Firmino dhaawac ku seegay kulankii ay guuldarada kala kulantay Fulham kana tirsanaa horyaalka premier League.

Liverpool ayaa la tacaalaysay dhaawacyo iyada oo ay dhaawacyo uga maqan yihiin xiddigo badan oo kooxda ah xilli ciyaareedkan.

Firmino ayaa ku dhaawacmay kulankii Chelsea ee todobaadkii hore taas oo keentay in uu taam u noqon waayo kulankii Fulham ee horyaalka.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaan filayn in uu xiddigu muddo dheer ka maqnaan doono garoomada maadama uuna dhaawacu ahayn mid halis ah.

Reds ayaa filaysa in uu xiddiga Firmino taam u noqdo kulanka ay La ciyaari doonaan RB Leipzig lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*