Liverpool Oo Ka Jawaabtay Wararka La Xidhiidhinaya Ozan Kabak

Kooxda Liverpool ayaa beenisay wararka sheegaya in ay wadahadalo la furtay kooxda Schalke si ay uga hesho saxiixa daafaca dhexe ee Ozan Kabak iyaga oo sheegay in ayna wali wax go’aan ah ka gaadhin in ay u dhaqaaqi doonaan daafac dhexe suuqa January iyo in kale.

Reds ayaa badisay labadii kulan ee ay ciyaartay la’aanta daafaceeda Virgil Van Dijk kaas oo dhaawac ku seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa lala xidhiidhinayay daafacyada Ozan Kabak iyo waliba xiddiga kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano todobaadyadii ugu dambeeyay.

Laakiin wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ayna waxba ka jirin wararka sheegaya in ay Reds xiiso u qabto daafacyada waliba ilaa xagaaga sugi doonto saxiixa daafac cusub.

Qaab ciyaareedka fiican ee uu Fabinho ku soo bandhigay daafaca dhexe ayaa Klopp ku qanciyay in uu wakhti fiican u qaato in uu helo daafac mustaqbalka fog ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*