Liverpool Oo Isku Diyaarinaysa In Ay U Dhaqaaqdo Saxiixa Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Premier Leageu.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xagaaga saxiixa ugu horeeya ka dhigan doonto xiddiga kooxda Leeds United ee Raphinha kadib markii uu xiddiga reer Brazil si cajiib ah ula qabsaday Premier League.

Xiddiga Raphinha ayaa Leeds United kaga soo biiray kooxda Rennes xagaagii isaga oo kooxda ugu soo biiray lacag dhan 17 milyan oo euro.

Xiddiga Raphinha ayaa dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday 4 kale xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Qaab ciyaareedka ayaa soo jiitay tababare Jurgen Klopp kaas oo ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad sida uu sheegay wargayska France Football.

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay xiddiga ka dhigto saxiixeeda ugu horeea xilli ay Leeds United haatanba u dhaqaaqday badalkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*