Liverpool Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Khaas Ah Kulanka Tottenham Ee Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay jabiso rikoodh u yaala kulanka ay caawa la ciyaari doonto Tottenham kana tirsan horyaalka premier League.

Reds ayaa booqan doonta Tottenham iyaga oo aan wax guul ah gaadhin 5kulan oo premier League waliba aan wax gool ah dhalin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ku kalsoon in ay ku soo laaban doonaan wadada guulaha marka ay caawa la ciyaari doonaan hadii dib loo raaco natiijooyinkii ugu dambeeyay ee kulankan.

Liverpool ayaa badisay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Tottenham waxana ay ka dhici kartaa guushii 6-aad markii ugu horaysay.

Marka tamada oo dhan la eego Liverpool ayaa Tottenham garaacday 6-dii kulan ee ugu dambeeyay hal kulana guuldaro la kulantay 18-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*