Liverpool Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Gaar Ah Kulanka Everton.

Kooxda Liverpool ayaa la ciyaari doonta kooxda Everton kulan muhiim ah oo ka tirsan premier League waxana ay isha ku haysaa in ay sii dheeraysato rikoodh khaas ah.

Everton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hogaaminaya horyaalka prmeier League kadib markii ay badiyeen 4 kulan oo ka mid ah 4-tii kulan ee ay ciyaareen horyaalka premier League.

Laakiin Liverpool ayaan guuldaro kala kulmin kooxda ay jaarka yihiin ee Everton 22-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Guuldaradii ugu dambaysay ee ay Liverpool kala kulantay Everton ayaa ahayd mid dhacday bishii October sanadkii 2010.

Haddi ay Kooxda Klopp guuldaro ka badbaadaan kulankan waxa ay dhigi doonaan rikoodh cusub oo guul daro la’aanta ah ee ay koox ku leedahay koox kale.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*