Liverpool Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Xun Oo Ayna Horay Uga Dhigin Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay ka fogaato rikoodh xun oo gool dhalinta garoonkeeda ah marka ay marti galin doonto caawa kooxda Man City.

Inkasta oo ay haysato xiddigo ka mid ah xiddigaha ugu fiican weerarka qaarada yurub Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino hadana Reds ayay kulamadii uu dambeeyay ku adkaatay in ay gool ku dhaliyaan Anfield.

Kooxda Jurgen Klopp ayaan wax gool ah ku dhalin garoonkeeda 3-dii kulan ee Man United, Burnley iyo Brighton waxana ay caawa la ciyaari doonaan Man City.

Hadii ay Liverpool ku fashilanto in ay gool dhaliso kulanka Man City waxa ay noqon doonaan markii ugu horaysay ee taariikhdeeda ay 4 kulan oo xidhiidh ah ku fashilmeen in ay gool ku dhaliyaan premier League garoonka Anfield.

Waxa intaas sii dheer in ay kooxda Liverpool tahay kooxda kaliya ee aan wali wax gool ah ku dhalin garoonkeeda sanadka cusub ee 2021 horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*