Liverpool Oo Horyaalka Holland Ka Heshay Badalka Georginio Wijnaldum

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda AZ Alkmaar ee Teun Koopmeiners hadii uu xiddiga Georginio Wijnaldum ka tago kooxda xagaaga.

Iyada oo wax 3 bilood ka yar uga hadhsanyahay heshiiskiisa xiddiga Georginio Wijnaldum  ayay u badantahay in uu isaga tago Anfield dhamaadka xilli ciyaareedkan waliba ku boxo qaab xor ah.

Bixitaanka Georginio Wijnaldum ayaa tababare Jurgen Klopp ku qasbi doona in uu suuqa u galo badalkiisa tooska ah si uu u xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska AS ayaa sheeaya in ay Liverpool u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Koopmeiners kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican horyaalka Holland tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa dhaliyay 15 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay horyaalka kaga jirto kaalinta 2-aad.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*