Liverpool Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixanaysa Xiddig Muhiim Ah.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay wadahadalo la furto Fabinho si ay heshiis cusub oo horumar leh uga saxiixato xiddiga.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa muhiim ka noqday kooxda Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Monaco sanadkii 2018 isaga oo kooxda u saftay 88 kulan tartamada oo dhan.

Fabinho ayaa ku bilowday daafaca dhexe kulankii Ajax kadib dhaawacii Van Dijk Waxana la filayaa in uu ka ciyaaro booskaas inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Brazil ayaa kooxda Liverpool kula jira heshiis 2 sano iyo badh ah laakiin wargayska ESPN ayaa sheegaya in kooxda Lverpool doonayso in ay sii dheerayso heshiiskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*