Liverpool Oo Heshay Wado U Fududaynaysa Saxiixa Ozan Kabak, Maxay Damacsanyihiin?

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Divock Origi ku darayso dalabka ay ku doonayso saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Schalke 04 ee Ozan Kabak.

Jurgen Klopp ayaa qorshaynaya in uu la soo saxiixdo daafac dhexe suuqa January kadib markii ay xiddigaha Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez dhaawacyo muddo dheer ah soo gaadheen.

Wararka ayaa sheegaya in ay Ac Milan kooxda Liverpool kaga horayso saxiixa daafaca dhexe ee Ozan Kabak.

Laakiin wargaska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Schalke ogolaan doonto in ay ka iibiso xiddiga kooxda Liverpool kuwaas oo diyaar u ah in ay heshiiska ku daraan weeraryahanka Origi.

Xiddiga reer Belguim ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Jurgen Klopp ee xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*