Liverpool Oo Guuldaro Kala Kulantay Fulham

Liverpool oo uu guuldaro kala kulantay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Liverpool ku hor martay goolka laakiin Fulham soo laabasho cajiib ah samaysay.

Liverpool ayaa daqiiqadii 14-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alexis Mac Allister kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Daqiiqadii 23-aad ayay Fulham dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Ryan Sessengnon kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xiddiga Alex Iwobi ayaa dhaliyay goolkii 2-aad ee kooxda Fulham daqiiqadii 32-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Xiddiga Rodrigo Muniz ayaa daqiiqadii 37-aad dhaliyay goolka 3-aad ee Fulham isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Liverpool ayaa daqiiqadii 72-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Luis Diaz kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guuldaro 2/3 ah kala kulantay kooxda Fulham.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga