Liverpool Oo Guuldaro Kala Kulantay Atalanta Xilli Reds Dhabarka Loo Saaray Guuldaro Ay U Qalmeen.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Atalanta Kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa wareega Group-yada champions League.

Qaybta Hore:

Kulanka ayuu Jurgen Klopp ku soo galay shax aad ugaduwan shaxdiisa ugu fiican isaga oo is badal weyn ku sameeyay waliba nasiino siiyay xiddigaha ugu muhiimsan ee kulamada badan ciyaaray.

Taas ayaa keentay in ay Reds si weyn ugu dhibaatooto dhanka weerarka inkasta oo ay ciyaarayeen xiddigaha Mohamed Salah & Sadio Mane.

Dhanka daafaca Liverpool ayaa iska fiicnayd inkasta oo uu xiddiga Neco Williams aad u dhibaatooday waliba booskiisu ahaa midkii Liverpool laga soo galayay qaybta hore.

Reds ayaa ku dhibaatooday in ay kubad la hesho goolka Atalanta qaybtii hore xilli ay Kooxda reer Italy Lafteedu ka baqaysay kooxda Barcelona qaybtii hore.

Isku soo wada duuboo qaybta hore ee ciyaarta ayaan lahayn wax laga sheekeeyo iyada oo Reds-na aan qaadin weerar fiican sidoo kale Atalanta ka cabsi qabtay weerar rogaal celis ah.

Qaybtii Dambe:

Kooxda Atalanta ayaa sii waday dadaalada ay ku doonaysay goolasha iyaga oo qaybtii dambe la soo galay ciyaar dar-dar leh.

Dhanka kale Wiilasha Klopp Ayaan wax is badal ah ku samayn ciyaartooda siina waday dhibaatada ay ku jireen.

Daqiiqadii 60-aad ayay kooxda Atalanta ugu dambayn dhalisay goolkii ay u baahnaayeen waxana shabaqa soo taabtay xiddiga Josip Ilicic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Atalanta ayaa bilowday in ay daafac gasho oo ay qaado weeraro rogaal celis ah xilli ay Liverpool bilowday weerar waali ah oo ay ku doonayeen goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 64-aad ayay Atalanta mar kale dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Robin Gosens kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Atalanta 4 daqiiqo gudohood Liverpool kaga dhalisay 2 gool dhabarkana u saartay guuldaro ay u qalmeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*