Liverpool Oo Guul Weyn Ka Gaartay Tottenham Xilli VAR Ay Qeyb Ka Aheyd Ciyaarta

Liverpool ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Tottenham xilli VAR ay doorkeeda ka ciyaartay kulankaan waxaana wiilasha Jose lagu garaacay 3/1

Qeybta hore waxa ay ku nasteen gool ay laheyd Liverpool kaasi oo yimid daqiiqadihii dhamaadka qeybta hore waxaana dhaliyay Firminho .

Liverpool fursado badan ayay abuurayeen halka goolhayhaha Tottenham uu hor taagnaa waxa ayna kooxda Jose ku tiirsanaayeen kubadaha rogal celiska ah oo mararka qaar halis ahaa.

Liverpool iyaga ayaa in yar ku sareeyay maamulka kubadda waxa ayna ku wacnaayeen cadaadiska iyo isku balaarinta garoonka .

Wiilasha Jose waxa ay u muuqdeen kuwo si dib ugu guranayay kaliyana door badiya rogaal celiska ah , waxaana lagu nastay halkaas gool xilli Tottenham daqiiqadii 3-aad VAr ay ka diiday gool uu dhaliyay Son.

Qeybta labaad , Liverpool durba gool labaad ayay dhaliyeen iyaga ayaana ku sareeya maamulka waxaan daqiiqaddii 47-aad saxiixay Trent Alexander-Arnold ,

Tottenham niyad kama aysan qaadin goolkaas labaad waxa ayna sameynayeen isku dayo iyo in kubadda ku cadaadiyeen wiilasha Klopp illaa ay keeneen gool laad ah ee uu daqiiqadii 49-aad saxiixay Pierre-Emile Hoejbjerg .

Liverpool kubad isfahan leh ayay ciyaarayeen mana jirirn cadaadis nafsiyan ah oo ay isa saarayeen waxa ayna keeneen gool sedexaad ee uu dhaliyay Salah balse Var ayaa diiday waxa ayna aheyd daqiiqadii 56-aad.

Inkastoo heerka kubad haysshada Liverpool ay gaareysay %52 hadana wiilasha Klopp waa laag filan karay gool sedexaad illaa ay keeneen ka dib qalad ka dhacay daafaca Tottenham waxaana si cajiib ah daqiiqaddii 65-aad u saxiixay Sadio Mane .

Tottenam, dhamaadkii isku dayo ayay sameynayeen balse daafaca Liverpool ayaa haa mid foojigan waxa ayna ciyaarat ku dhamaatay sedex gool iyo hal oo ay guusha ku raacday wiilasha Klopp

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*