Liverpool ayaa guul riwaayad leh ka gaadhay Nottingham forest iyagoo ku garaacay 1-0, kulan ka dhacay garoonka City Ground, qayb ka ahaa wareegga 27-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League).
Ciyaarta ayaa muujisay dhibaatooyin cad oo soo wajahay Liverpool, kuwaas oo aan awoodin inay abuuraan fursado halis badan oo ay ku weeraraan goolka kooxda martida loo ahaa, sababo la xiriira hab-difaaceed aad u habeysan oo ay soo bandhigtay Nottingham intii ciyaartu socotay.
Dhanka kale, kooxda martida loo ahaa kuma ekaan difaac oo keliya, balse waxay halis dhab ah ku ahaayeen weerarro rogaal-celin ah (counterattacks) iyo isku dayo toos ah oo ay ku beegsanayeen goolka.
Liverpool ayaa dhalisay gool daqiiqaddii 90-aad oo uu dhaliyay Alistair, balse goolkaas waa la diiday kadib markii loo laabtay VAR (Video Assistant Referee).
Daqiiqaddii 90+6, Liverpool ayaa markale dhalisay goolka guusha, waxaana dhaliyay Mac Allister, iyadoo goolkaas la xaqiijiyay saxnimadiisa kadib markii dib loo eegay VAR.
Guushan ayaa Liverpool ka dhigtay inay kor u qaaddo dhibcaheeda oo gaareen 45 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta lixaad, halka Nottingham ay ku hartay 27 dhibcood kaalinta toddoba iyo tobnaad.
Be the first to comment