Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Erling Braut Haaland

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ayn wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Borussia Dortmund marka la gaadho suuqa xagaaga iyada oo ay kooxo badan xiiso u qabaan saxiixiisa.

Wararka ayaa sheegaya in uu wakiilka Haaland jimcihii u soo duulay England si uu wadahadalo ula qaato kooxaha Liverpool, Man United, Man City iyo Chelsea kuwaas oo lala xidhiidhinayo saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ayna kooxda Liverpool wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool ka shaqaynayso saxiixyo dhawr ah ka hor suuqa xagaaga laakiin ayna doonayn saxiixa xiddiga Haaland oo 20 jir ah.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*