Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Naby Keita.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay u furantahay fikirka ah in uu Naby Keita ka tago kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

26 jirkaan ayaa inta badan ku dhibtooday taam ahaanshaha tan iyo markii uu yimid garoonka Anfield sanadkii 2018 isaa oo ay soo gaadheen dhaawacyo badan.

Keita ayaa ciyaaray kaliya 16 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan iyada oo 10 ka mid ah kulamadaas ahaayeen horyaalka Premeir League.

Sida laga soo xigtay Sunday World, Liverpool ayaa u furan inay iibiso xiddiga reer Guinea suuqa soo socda iyagoo isku dayaya inay lacag u helaan saxiixyada cusub.

Keita ayaa ka soo laabtay dhaawac kuraanta ah oo ka soo gaadhay kulankii Sheffield United ee dhamaadkii February Laakiin wixii intaas ka dambeeyay waxa uu ahaa kayd aan la isticmaalin.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*