Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mohamed Salah Xilli Xiddigu Xiiso Ka Helayo Real Madrid.

Kooxda Liverpol ayaa lagu soo waramayaa in ay ku kalsoontahay in uu Mohamed Salah sii joogi doono kooxda mustaqbalka dhaw inkasta oo si weyn loola xidhiidhinayo in uu ka tagayo kooxda xagaaga.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid waxana wararkaas dabka ku sii shiday xiddigii hore ee xulka masar ee Mohamed Aboutrika kaas oo sheegay in uuna xiddigu ku faraxsanayn kooxda Liverpool.

Xilli wali 2 sano ka hadhsantahay heshiiskiisa Liverpool ayaa aaminsan in ay sii haysan doonto xiddiga ugu goolasha badan ee dhaliyay 25 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Wargayska Benchwarmers ayaa sheegaya in Ay Liverpool ku kalsoontahay in uu xiddigu sii joogi doono xilli ciyaareedka dambe waliba uu dhamaysan doono heshiiskiisa dhici doona xagaaga 20203.

Salah ayaa muhiim ka ah kooxda liverpool waana xiddig ay Liverpool ku xidhantahay gool dhalintiisa Klopp ayaana doonaya in uu sii haysto xiddiga.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa Liverpool ku soo biiray xagaagii 2017 waxana uu kooxda u ciyaaray 206 kulan isaga oo dhaliyay 125 kulana uulaystay 4 koob oo waaweyn.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*