Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mohamed Salah.

Sida ay werisay talkSPORT, Mohamed Salah waxaa la filayaa inuu sii joogo Liverpool inta ka dhiman xilli ciyaareedkan inkasta oo uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa Liverpool.

Mustaqbalka xiddiga reer Masar ee Anfield ayaa ahaa mid shaki ku jiray tan iyo hadalkiisii muranka badan dhaliyay ee uu bixiyay kaddib ciyaartii Leeds ee dhacday 6-da December.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama Alexander Isak uu si daran u dhaawacmay, Liverpool ma ogolaan doonto bixitaanka Salah.

Warbixintu sidoo kale waxay intaas ku dartay in Salah uu horey u helay dalab qandaraas oo aad u weyn oo ka yimid Saudi Pro League, isla markaana la filayo in dalabkaas uu miiska saarnaado xagaaga dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga