Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Alex Oxlade-Chamberlain Kadib Xiisihii Arsenal.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay inay iibiso Alex Oxlade-Chamberlain inta lagu jiro mid ka mid ah labada suuq ee soo socda.

Inkasta oo uu dhaawac jilibka ah dhaawacay wakhtigii Anfield hadana xiddiga 28 jirka ah ayaa kooxda Liverpool u saftay 109 kulan tan ilaa markii uu yimid.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer England ayaa haatan kaliya kooxda Klopp ka ah kaydka taas oo keentay in uu shaki soo food saaro mustaqbalkiisa.

Sida laga soo xigtay Mirror, Liverpool ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso Alex Oxlade-Chamberlain suuqa January ama xagaaga hadii ay helaan dalab fiican.

Warkan ayaa imanaya kadib markii ay Arsenal xiiso u muujisay saxiixa xiddigeedii hore iyada oo uu xiddiga laftiisu u furanyahay in uu ku laabto Emirates.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*