Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Ka Qayb Qaadashada Mohamed Salah Ee Ciyaaraha Olympics

Kooxda Liverpool ayaa xulka Masar u diiday in uu Mohamed Salah ka qayb galo tartanka Olympics Iyaga oo xiddiga u sheegay in uu soo xaadiro tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub bisha dambe.

Reds ayaa diiday dalabkii xulka Masar ee ahaa in uu Salah u matalo dalkiisa ciyaaraha Olympics ee ka bilaaban doona dalka Japan 22 bisha July ee soo socoto.

Mohamed Salah ayaa seegaya bilowga xilli ciyaareedka cusub hadii uu xulka qarankiisa u ciyaaro Olympics sidaas darteed Liverpool ayaa si cad u diiday in uu xiddigu aado ciyaaraha Olympics.

Salah oo haatan ku jira fasaxiisa xagaaga ayaa dhankiisa doonayay in uu xulkiisa uga qayb qaato tartanka laakiin Klopp ayaa xiddiga u sheegay in uu soo xaadiro tababarka bilowga bisha soo socota.

Warkan ayaa la macno ah in uuna Mohamed Salah ka maqnaan doonin kulamada isku diyaarinta Liverpool ee xilli ciyaareedka cusub sidoo kale ku bilaaban doono shaxda Reds bilowga xilli ciyaareedka dambe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*