Kooxda Liverpool ayaa gaartay guul qaali ah kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay dhiggeeda Wolverhampton, kulan ka tirsanaa wareegga 18-aad ee horyaalka Premier League-ga Ingiriiska, kaas oo ka dhacay garoonka Anfield.
Liverpool ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqaddii 41-aad, waxaana goolkaas dhaliyay Ryan Gravenberch, halka Florian Wirtz uu daqiiqaddii 42-aad u dhaliyay goolka labaad ee Liverpool.
Kooxda Wolverhampton ayaa yareysay farqiga daqiiqaddii 52-aad, gool uu dhaliyay Santiago Bueno.
Be the first to comment