Liverpool Oo Garaacday Aston Villa Xilli Ay Iska Caabin Culus Kala Kulantay Kooxda Dhibaatoonaysa Ee Villa

Kooxda Liverpool ayaa ku soo laabatay wadada guulaha kadib markii ay garaacday kooxda Dhibaatoonaysa ee Aston Villa kulan ka dhacay garoonka Anfield kana tirsanaa premier League.

Kooxda Aston Villa ayay ka muuqatay dadaalka ay ugu jiraan in ay sii joogaan premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo ka halis badnaa kooxda loo caleemo saaray horyaalka.

Aston Villa ayaa xitaa Liverpool u diiday in ay hal laad ku laagto goolkeeda qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo Reds baxday qaybtii hore iyada oo aan wax kubad ah ku laagin goolka Aston Villa.

Dhanka kale Aston Villa ayaa halis ku ahayd dhanka weerarka iyaga oo Liverpool ku halis galiyay dhawr mar fursado cajiib ah oo goolal laga dhalin karo waliba hogaanka ugu qaban kartay kulanka.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo wiilasha Klopp ku dhibaatoodeen in ay jabiyaan kooxda Aston Villa.

Qaybtii dambe ayay Reds u muuqatay kuwo ka fir-fircoon qaybtii hore iyaga oo halis galiyay goolka kooxda Aston Vill waliba sameeyay fursado goolal laga samayn karo.

Laakiin wali Liverpool ayay ku adkayd in ay kubada shabaqa dhex-dhigaan iyada oo Aston Villa si xoogan u difaacanaysay goolkeeda.

Daqiiqadii 71-aad ayay Liverpool ugu dambayn dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kadib goolka Liverpool ayaa u muuqatay kuwo ciyaarta soo galay sabab la xidhiidha in ay Aston Villa daafaca ka baxday si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha.

Liverpool oo arintaas ka faa’iidaysanaysa ayaa daqiiqadii 89-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Curtis Jones kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul muhiim ah dibna ugu soo laabatay wadada guulaha ee horyaalka Premier League.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Safiirka Shiinaha Ee Somalia Ku Qaabilay Villa Somalia & Heshiiskii Somaliland & Taiwan Oo Lagu Soo Hadal Qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*