Liverpool Oo Garaacday Arsenal Kulan Xiiso Lahaa.

Liverpool ayaa garaaday Arsenal kulan ka tirsanaa kulamada saaxiibtinimo ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Arsenal ayaa u badnayd xiddigo kooxda 1-aad ah sidoo kale Liverpool ayaa ku soo gashay xiddigo badan oo kooxda 1-aad ah.

Liverpool ayaa daqiiqadii 13-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah waxana uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Reds ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso goolal kale waxana daqiiqadii 34-aad dhaliyay goolka 2-aad xiddiga Fabio Carvalho.

Ka hor intii ayna qaybta hore dhamaan ayay Arsenal iska soo baday gool waxana u dhaliyay Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin qaybtii dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga