Liverpool Oo Garaacday Ac Milan Xilli Man City Ku Dur-durisay RB Leipzig

Marka guud ahaan la eego hanaanka ciyaarta ee qeybta hore waxa ay aheyd mid kulul inkastoo inta badan maamulka ay laheyd Liverpool kuwaasi oo goolka ku horeeyay ka dib markii uu si qaldan isaga dhaliyay Fikayo Tomori daqiiqadii 14-aad 

Liverpool kubad weerar ah ayay ciyaareysay halka Milan rogaal celis ku wacnaayeen waxaana kooxda Klopp daqiiqaddii 14-aad rigoore ka qasaariyay Salah

Liverpolol inkastoo ay wacnaayeen hadana daafacooda qaladaad ayay sameynayeen oo horay ayay si ka bad badis ah ugu soo dhaqaaqayeen illaa laba gool oo deg deg laga dhaliyo waxaana sidaas sameeyay Brahim Diaz oo daqiiqadihii 42-aad iyo 44-aad ka dhaliyay

Goolashaas waxaa ka muuqday qaladaad habka ilaalada ay u galeen Liveprool gaar ahaan Gomez waxaana lagu nastay labadaas gool iyo hal

Soo laabashadii , Liverpool guud ahaan kubadda iyaga ayaa ku xoogannaa waliba Milan daafac ayay ku aruuriyeen kuwaasi oo maarrka qaar soo baxayay balse waa lagu celinayay godkooda

Cadaadiska iyo go`doominta Liverpool waxa ay ku heleen goolka bar bar dhaca waxaana saxiixay Salah daqiiqaddii 49-aad balse Milan waa ku adkeyd in kubadda horay u soo jiidaan.

Milan qeybtii hore ayay ka wacnaayeen tii labaad waxaana kubadhii la geeynayay aaggooda ku dhashay gool gantaal ah waxaana daqiiqddii 69-aad saxiixay Henderson xilli Klopp badaladiisa uu bilaabay daqiiqaddii 63-aad waxa uu soo giliyay Mane oo loo saaray Origi waxaana xigay oo la soo giliyay  Jones iyo Alcantara oo 71-dii loo saaray  Jota iyo Keita.

Milan dhamaadkii isku dayo ayay sameynayeen balse waxa ay ka sheeganayeen in kubadda durba laga soo jarayay xilli kooxda Klopp ay baadi goobayeen goolal dheeraad ah

Milan dhamaadkii waa soo  baxayeen balse xalka ayaa ka maqnaa waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo ay Liverpool ku badiyeen

Dhanka kale ka dib ciyaar xaraarad laheyd waliba marba koox ay maamuleysay waxa aya Man City ku garaaceen RB Leipzig ooay uga talaabsadeen 6/3 , waxaana u muuqanaayay qaladaad  daafac oo labada dhinac

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*